U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ka Qeyb-galaysa Shirka Hay’adda TSA

Waxaa magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka ka furmay dood-cilmiyeed la xiriirta arrimaha garoomada iyo ammaankooda, kaasi oo ay soo qabanqaabisay hay’adda TSA , ee garoomada dalkan u qaabilsan ammaankooda.

Waxaana doodan oo ay kasoo qeybgaleen dalal ka badan 61 , xoogana lagu saarayaa sida dal weliba usoo bandhigi lahaa aqoontiisa sugida ammaanka garoomada iyo sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqeyn oo ka dhexeeya dhammaan dalalka dunida.

Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya shirkan Maareeyaha garoomada Soomaaliya Abdiweli Ibrahim Garyare iyo Abdifatah Bashir Ali oo ah Taliyaha Saldhiga booliska ee garoonka Aden Cadde .

Si gaar ah TSA oo madashay abaabushay ayaa kulanka oo socon doona saddex cisho xooga ku saareysa inay door muuqda ku yeelato kor u qaadista aqoonta hay’addaha duulista iyo ammaanka garoomada.

Bishii koowaad ee sanadkan ayaa howl-wadeeno ka socda TSA booqasho ku yimaadeen garoonka Aden Cadde iyo Xarunta hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed ( SCAA ). Taasi oo irida u furtay inoo bilowdo xiriir wada shaqeyn oo dhexmara labada hay’addood.