U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Kulan Sanadeed Uga Qeybgalay Deegaanka Ceeloow

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta deegaanka Ceelloow ee Degmada Warsheekh kaga qeyb galay kulan-sannadeed uu halkaasi lagu qabtay.

Kulankaan oo uu qabtay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) ayaa waxaa ka qeybgaleen Xildhibaano heer federaal, Xubno Isugu jiray Labada Gole ee Dowladda Hirshabeelle, Siyaasiyiin, Duubabka Dhaqanka, Qeybaha bulshada iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si diiran loogu soo dhoweeyay Deegaanka Ceeloow ayaa mid mid u gacan qaaday Masuuliyiinta iyo dhaqanka kasoo qeybgalay kulan sanadeedkaan oo sanad walba bishaan oo kale ka qabsooma deegaankaan iyadoo ay ku duceystaan bulshada deegaanka iyo siyaasiyiintooda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sannadkan joogo kulan-sannadeedka deegaanka Ceelloow oo Soomaali oo dhan ay joogto, ducada halkan lagu duceysto waxaan rajeynayaa inuu Alle ku badbaadiyo kuna xifdiyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle inay dhowraan midnimada iyo wadajirka bulshada sidoo kalana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanada.