U bood dhigaalka

Puntland oo Markii Ugu Horeysay Bilowday Diiwaangalinta Xogta Caafimaadka Dadka Booqanaya Xarumaha Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka duulaysa horumarinta iyo casriyaynta xogta bukaanada booqanaya xarumaha caafimaadka ayaa labadii xarumood oo ugu horayay ka bilawday diwaangalinta xogta caafimaadka.

Waxaa xarumaha hooyada iyo dhalaanka Waabari HC iyo Gambool HC lageeyay dhamaan qalabkii lagu shaqaynayay laguna kaydinayay xogta.

Waxaa la diiwaangalin doonaa qofka lagana qori doonaa xogtiisa taasoo ahaan doonta mid laga helo xarunta waqti kasta wali si ka sahlan sidii hore.

Qorshaha wasaaraduna ee waqtiga dhawna waa in dhamaan xarumaha Puntland laga wada dhigo mid casri ah oo horumarsan si ay ula jaan qaadaan kuwa caalamka.

Puntland ayaa noqonaysa maamulkii ugu horreeyay ee diwaangaliya xogta Caafimaadka. xilli Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda ay dhowr sano ka hor hirgaliyeen adeeggaan.