U bood dhigaalka

Ganacsade Lagu Dilay Nugaal iyo Booliiska Gobolka oo Baadigoob Ku Jira

Dabley hubaysan ayaa lagu soo warramaya in ay ganacsade lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Cabdi Daahir Axmed ay ku dileen xalay degaanka Kalabayr Gobolka Nugaa.

Kalabayr waa deegaan u dhexeeya Garoowe iyo Buurtinle islamarkaana qiyaastii 60km u jira caasimadda Garoowe.

Sida ay Goobjoognews u sheegeen dadka deegaanka ganacsadaha la dilay ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn uga shaqeyn jiray horumarinta bulshada deegaanka Jalam.

Dilka ganacsadaha ayaa salka ku haya arimo la xariira anooyin qabiil. Kooxdii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta si nabad ah uga tageen.

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa la sheegay in ay waddaan dadaallo ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaasha dilay ganacsadaha.