U bood dhigaalka

Ajnabi Shabaab Ka Tiraanaa oo Gacanta Lagu Dhigay

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin ajanabi ah oo ka tirsanaa Shabaab.

Ninka ayaa doonayay inuu Doon ka raaco xeebaha deegaanka Mareeg ee Gobolka Galgaduud.

Qabashadiisu waxay timid kadib markii xogtiisa ciidanku ay ka heleen bulshada ka agdhow xeebta Mareeeg, iyadoo lagu soo bandhigay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ninkaan inuu u dhashay dalka Yemen. muddo dhowr sano ah ayuu ka tirsanaa Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in uu ka mid ahaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ku dhibaatoonaya deegaanada ay kaga dhuumaalaysanayaan Galmudug.