U bood dhigaalka

Shil Gaari oo Sababay Dhimasho oo Ka Dhacay Ismaamulka Meru ee Kenya

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay ka dib markii gaari xamuul ah uu wadada ka baxay oo uu ku dhacay mooto iyo dad lugeynayay deegaanka Timau ee ismaamulka Meru ee dalka keenya, sida uu shaaciyay Booliiska.

Booliska ayaa sheegay in dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay isbitaallada gobolka, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta, gaariga xamuulka ah ayaa ka soo yimid Meru, asagoo ku sii jeeday Timau markii darawalku uu xakameyn waayay.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira afar rag ah, seddax dumar ah i, waxaana ka mid ahaa darawal mooto bajaaj oo la sheegay in uu dhintay markii la geeyay isbitaalka degmada Timau, shilalka baabuurta ayaana ku badan dalkaasi keenya.