U bood dhigaalka

Saddex Qof oo Ku Qeeriyootay Shil ka Dhacay Somaliland

Saddex qof ayaa xalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Dilla ee gobalka Awdal Somaliland.

Shilka ayaa dhacay Kaddib markii ay isku dhaceen gaari Fitsa ah iyo Bajaaj marayay meel udhow saldhigga degmada.

Saddexda qof ee geeriyootay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen mootada.

Saacadahii la soo dhaafay Somaliland dad tiradoodu gaarayso 6 qof ayaa u geeriyooday Shil baabuuur.

Maamulada Isbitaallada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Isbitaallada la keenay dhaawacyo badan kuwaasoo ka dhashay shilal ka dhacay gudaha Somaliland.

Shilalka gawaarida ee ka dhacaya Somaliland ayaa kordhay billihii lasoo dhaafay. waxaa loo sababayay waddo xumo iyo dhalinyarada oo gawaarida ku wadda xawaare sare.