U bood dhigaalka

Shirweynaha Xoojinta Iskaashiga Bariga Afrika oo Muqdisho Ka Furmay iyo Madaxweynaha oo Ka Qeybgalaya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo qeyb-galay Shirweynaha Xoojinta Iskaashiga Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho, kaasi oo soconaya muddo labo maalmood ah.

Shirkaan waxaa sidoo kale ka qayb-galaya wasiirro ka tirsan xukuumadda, danjireyaal, qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha dalka, mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka.

Shirka ayaa lagu falanqeyn doonaa habraacyada looga loo marayo la jaanqaadida ururka Iskaashiga Dhaqaalaha bulshada bariga Afrika, ayadoo diiradda la saarayo dhinacyada muhiimka u ah Soomaaliya ee ay is dhexgalka ururkaas uga faa’iidaysan karto.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadkii hore kulan muhiim oo ku saabsan tubta wada shaqaynta iyo shax howleedka Soomaaliya ay ururka kula jaanqaadayso lagu qabtay magaalada Nairobi.