U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo Garoowe Ka Dajiyay Eedeysane Gacanta Lagu Dhigay Isagoo Baxsad ah

Taliska ciidanka booliska Soomaliyeed ayaa magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobolleedka Puntland ka dejiyey eedeysane maalin ka hor laga soo qabtay gudaha dalka Kenya.

Hoggaanka xiriirka dibadda (Interopl) ee boliiska Soomaaliyeed ayaa saaka aroortii diyaarad ku qaadey eedeeysane Maxmed Cumar Ciise oo horay u dilay Marxuum Maxamed Axmed Faarax.

Eedeysanhaan ayaa lagu wareejiyey laamaha amaanka gobolka Nugaal, si loo horgeeyo Maxkamada loona marsiiyo Cadaaladda.

Booliska Soomaaliya oo wada shaqayn la leh hay’adaha amniga ee dalalka geeska Afrika iyo dunidaba ayaa dhowr gacan ku dhiigle horay uga soo xiray dalalka dibadda sida koofurta Suudaan iyo keenya.