U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Magacowday u Qeybsanaha Arrimaha Xiriirka Bulshada Bariga Afrika

Ra ’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Bare ayaa Mudane Cali Cumar ( Balcad ) u magacaabay in uu noqdo u qeybsanaha Arrimaha xiriirka Bulshada Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dabayaaqada sanaddkii dhammaaday bulshada bariga Afrika ka dib dadaallo ay waday muddo sanado ah.

Uqeybsanaha ayaa ka shaqeyn doonnaa sidii loo dhameystiri lahaa heshiisyada wali dhiman iyo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo bulshada bariga Afrika.

Cali Cumar ( Balcad ) hadda waa Wasiiru -dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.