U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya oo Ku Baaqay in Xilka Laga Xayuubiyo Agaasimaha Sirdoonka

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua ayaa weerar afka ah ku qaaday Agaasimaha Sirdoonka, Nordin Haji ka dib markii shalay khudbad ka jeediyay magaalo xeebeedka Mombasa, kadib dibadbaxyo dalka hareeyay maalmahaan.

Waxaa uu ku tilmaamay Agaasimaha sarkaal hoose oo aan awood u lahayn inuu hoggaamiyo Hay’adda sirdoonka , isagoo ku sheegaya haddii ay sirdoonka shaqo wanaagsan qaban lahaayeen inaysan dhici lahayn xaaladda ay wajahayaan.

Waxaa uu sheegay in Agaasimaha looga baahan yahay in uu shaqada ka taggo sidoo kalena uu qaato mas’uuliyada wixii dhacay.

“Waxaan leenahay adeeg Sirdoon oo aan shaqeyneyn… Nordin Haji waa inuu qaataa mas’uuliyadda dhimashada iyo dhacdada xarunta baarlamaanka,waa inuu is casilaa waa inuu u oggolaadaa Ruto inuu soo doorto agaasime karti leh oo uu miyir qab ku soo celiyo NIS.”ayuu yiri Gachagua.

Gachagua, oo ay ka muuqaatay in uu aad u careysan yahay ayaa intaasi kusii daray “Waa inuu mas’uul ka yahay dhimashada dhacday iyo qalalaasaha ka dhashay, waa inuu u oggolaadaa Ruto inuu soo doorto DG karti leh oo uu miyir qabo dib ugu soo celiyo NIS.”

Madaxweynaha Kenya ayaa bishii March ee sanadkii 2023 kii u magacaabay Agaasimaha Sirdoonka Nuuradiin Haajji oo kasoo jeedda Soomaalida Kenya.

Nuuradiin, kahor inta aan xilkan loo magacaabin wuxuu ahaa dacwad oogaha guud ee Kenya, isagoo intii uu xilkan hayay dacwado ku oogay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Wuxuu sidoo kale Nuuradiin soo noqday agaasime ku xigeenka waaxda ka hortagga dembiyada abaabulan, isagoo isla waaxdan NIS ka shaqeynayay markaas.