U bood dhigaalka

Ciidanka Amniga Guriceel oo Soo Bandhigay Eedeysane Dil Geystay

Ciidanka hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka NISA ee ka howlgala deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay Maxamed Cismaan Cabdiraxmaan oo ku eedeysan in habeeno ka hor uu degmada Guriceel ku dilay Liibaan Aadan Ibraahim oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaas.

Taliyaha qaybta guud ee Nabad sugidda Galmudug Feysal Ibraahim Caanood ayaa Warbaahinta u sheegay in dabagal iyo baadigoob dheer kadib ay ku guuleysteen soo qabashada eedeysanaha, isla markaana baaritaan kadib loo gudbi doono cadaaladda.

Dilalka macne la’aanta ayaa ku soo kordhaya deegaanada Galmudug iyo meelo kaloo dalka kamid ah, balse intooda badan gacanta ayaa lagu soo dhigaa gacan ku dhiigleyaasha geysta, ayadoo ugu dambeyn tiirka toogashada lagu hubsado.