U bood dhigaalka

Wasiiru Dowlaha Dekadaha iyo Gaadiidka oo Ka Qeybgalay Shirka Badaha Afrika ee ISCOS

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa ka qeyb galay shirka wasiirrada Urur Gobaleedka ISCOS ee Bariga, Koonfurta iyo Waqooyiga Qaaradda Afrika.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay horumarinta iskaashiga hawlaha maraakiibta, tababarada xirfadaha iyo Amniga Badaha, gunaanadkii shirka ayaa waxaa la daahfuray magaca cusub ee badalaya ISCOS, kaas oo noqonaya (MOESNA), Urur Goboleedka Badaha ee Bariga, Koonfurta iyo Waqooyiga Afrika.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya ka howlantahay xoojinta xariirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka iyo ururrada dunida si ay wax wada qabsi mira-dhal ah ula samayso.