U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: Shabaab iyo Innaga wax naga dhaxeeyo ma leh

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aaney jirin wax ka dhaxeyn kara dowladdiisa iyo Shabaab isaga oo meesha ka saaray in aaney jirin aragtiyo la isbarbadhigi karo oo jira.

Hadalka Madaxweynaha oo uu jeediyay munaasbadda gunaanadka todobaadka xoriyadda oo 1-da Luulyo ugu dambeysay ayaa jawaab u ah wararka sheegayay in ay jiraan dadaallo dhexdhexaadin ah oo socda

“Shabaab iyo annaga wax naga dhaxeeyo malahan, wax naga dhexeeyo oo aan ka wadahadlno oo sidaan sidaan aa ka fiican aan isdhahno ma heyno, haddii aan heyn laheyn waaba la hadli laheyn waana hor fariisan laheyn, maanta wadahadal majirio, wax naga dhaxeeyo majiraan wali ” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baqay in ay iska ilaaliyaan wararka aan saxda aheyn ee socda isaga oo xaqiijiyay in kooxdan ay haddii ay isbadalaan markaas albaabada loo furi doono.

Dowladda Soomaaliya ayaa guluf kula jirta kooxda labadii sano ee ugu dambeysay iyada laga saaray boqolaal deegaan oo maanta ay ka jirto Xasillin, laga hirgeliyay adeegyo kala duwan ee dowladnimada.