U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Daahfuray Shir Weynaha Todobaadka Kalluumaysiga Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada muqdisho ka furay shirweynaha todobaadka kalluumaysiga dalka oo looga hadlayo sidii looga faa’iidaysan lahaa kheyraadka badda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inaan ciddna laga aqbali doonin burcudnimo iyo kalluumeysi sharci darro ah, islamarkaana loo baahanyahay in kheyraadka badda si quman looga faa’iidaysto, shisheeyaha sharci darrada ku gurayana laga ilaaliyo.

Sidoo wuxuu xusay inay dowladaha waaweyn oo kalluumaysi sharci darro ah ka waday badda Soomaaliya ka waday ay dacwado caalami ah ka gudbiyeen, ka dibna ay ka cayriyeen.

Badda Soomaaliya oo ay dhex ceegaagaan kumanaan jaad oo xoola biyood ama kalluun ah ayaa 34 tii sanoo la soo dhaafay ku jirtay baylah ay shisheeyuhu siday rabaan ka yeelaan, soomaaliduna ka baahanyihiin, balse hadda waxaa muuqanaysa awood dowladnimo oo lagu ilaalinayo.