U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Kusii Jeedda Ciraaq, Muxuu Ku Qotomaa Safarkiisa?

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Ciraaq.

Socdaalka Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa yimid kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baghdad waxa uu kulamo la yeelan doonaa Raโ€™iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi.

Waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan.