U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Gaaray Baqdaad iyo Kulamo uu La Qaadanayo Mas’uuliyiinta Dalkaasi

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah oo dhawr cisho ah ku joogi doona dalka Ciraaq ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkan Ciraaq Raโ€™iisul Wasaare, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah.

Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xariir qoto dheer oo muddo ku dhow qarni soo jiray, sidoo kale waxay labada dal wadaagaan dano badan iyo duruufo iskaashi u baahan xilligaan adag oo labada wadan ay ku jiraan soo kabasho dhanka amniga ah.