U bood dhigaalka

Mascuud Bezeshkiyaan oo Noqday Madaxweynaha Iran Kadib Geeridii Madaxweynihii Hore

Dowladda Iran ayaa yeelatay madaxweyne cusub kadib doorashadii soo gabagabowday kuna soo baxay Mascuud Bezeshkiyaan, ninkaan ayaa ah quyar socod aan magac weyn ku laheyn Iran, xilli codad gaaraya 16.3 milyan uu helay , halka Jalili uu keenay 13.5 milyan oo cod 30 Milyan ee ruux.

Wasaaradda arrimaha gudaha Iran ayaa aroornimadi hore ee Sabtidi saakay shaacisay, in Pezeshkian doorashada kaga guuleystay Saciid Jalili oo ah murashax taageero buuxda ka heystay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Aayatullah, doorashada dhacday ayaa u muuqatay in aad loogu kala horeeyay.

Mascuud Pezeshkian oo ah dhaqtar 69 jir ayaa sheegay in Iran uu u furi doono dunida inteeda kale oo ay ka xirxiran tahay, waxaana uu sheegay in madaxweynihii hore ee geeriyooday shaqadiisa uu shaqo adag soo qabtay, waxaana uu intaas raaciyay in la jogo xilligii Iran dunida ay wax la qeybsan laheyd.

Wuxuu sidoo kale horay u ballan qaaday inuu horumarin doono siyaasad dibadeed oo dhab ah, si uu u yareeyo xiisadaha wada-xaajoodyada hadda hakadka ku jira ee quwadaha waaweyn ee khuseeya soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka ee 2015, dhaqtarkaan ayaa siyaasad ahaan ku dhow Aayatullahi.

Doorashadan ka dhacday Iran ayaa aheyd mid waqtigeeda laga soo hormariyay, kaddib marki uu shil helikobtar ku geeriyooday madaxweynihi hore ee Iran Ibrahim Ra’iisi May 19, 2024, waxaana lagu dhawaaqay qabashada doorasho deg deg ah si dalka u yeesho madaxweyne Rasmi sidaas u dhacday.