U bood dhigaalka

Ra’iisul Xamze oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Ciraaq

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Ciraaq, Mudane Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Baqdaad, ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal iyo farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh, isaga oo la wadaagay horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Ciraaq Mudane Cabdiladiif Rashiid ayaa soo dhaweeyay booqashada Raโ€™iisul Wasaaraha oo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, laguna ballaarinayo iskaashiga gaar ahaan, dagaalka ka dhanka amniga, diblumaasiyadda iyo deeqaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha Ciraaq.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, si loo adkeeyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka.