U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Ciraaq oo Ka Wadahadlay Horumarinta Dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Madaxa Dhadhaqaaqa Al-Xikma ee dalka Ciraaq, Sheekh Cammaar Al-Xakiim.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Hoggaamiye Al-cammaar ayaa ka wada hadlay xiriirka taariilkhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq.

Labada ayaa sidoo kale ka wada hadlay mudnaanta la siinayo iskaashiga heer Carbeed ee arrimaha masiiriga ah.

Sheekh Cammaar Al-Xakiim ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey dhaqdhaqaaqa Al-Xikma ee hormuudka u yahay, kaas oo door wanaagsan ka qaata siyaasadda dalka Ciraaq, isaga oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in dib loo cusboonaysiiyo xiriirka labada dal.