U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo Ka Wadahadlay Yareynta Maandooriyaha

Maareeyaha Hay’adda ka hortagga maandooriyaha iyo dhaqan celinta Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo danjiraha dowladda Imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa ka wada hadlay yareynta halista maandooriyaasha.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda dalka Imaaraadka ayaa diiradda lagu saaray ka hortagga noocyada kala duwan ee maandooriyaha iyo yaraynta halista ka dhalan karta, wuxuuna maareeyuhu Janaraal Muuse Ashkir safiirka warbixin ka siiyay dadaallada ay hay’addu waddo iyo qorsheyaasheeda horta tabinta u leh.

Safiirka Imaaraadka danjire Axmed Jumca Alrumaydi ayaa dhankiisa ballan-qaaday inuu hay’adda ka taageeri doono howlaha baaxadda leh ee horyaalla, islamarkaana ay si dhow u wada shaqayn doonaan labada dhinac si loo yareeyo halista maandooriyaasha.