U bood dhigaalka

Israa’iil oo Duqeyn Diyaaradeed Ku Dishay 29 Falastiiniyiin ah oo Ku Sugnaa Iskuul

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel ayaa lagu dilay 29 Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa teendhooyin iskuul ku yaala magaalada Abassan, oo u dhow Khan Younis ee koonfurta Gaza.

Warbaahinta oo soo xiganaysa Masuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in meesha la weerarin aysan joogin cid hubeysan.

Weerarku waa weerarkii afraad ee ay Israa’iil ku garaacdo dhismo dugsi oo gabaad ahaan loogu isticmaalo Gaza muddo afar maalmood gudahood ah, wuxuuna imanayaa ka dib markii Israa’iil ay soo saartay amarro cusub oo daad-gureynta qaybo ka mid ah Khan Younis iyo magaalada Gaza, taasoo ku khasabtay tobanaan kun inay cararaan.

Kooxda xuquuqul insaanka ayaa iftiimisay awood la’aanta Israa’iil in ay baarto dambiyada dagaal ee lagu eedeeyay militariga Baaritaan ay sameysay hay’adda xuquuqul insaanka Israa’iil ee Yesh Din ayaa lagu ogaaday in 573 kiis oo lagu eedeyay dambiyo ay milatariga Israa’iil ka geysteen Gaza tobankii sano ee la soo dhaafay.

Tan iyo bishii October Israa’iil ayaa lagu eedeeyay beegsiga dadka masaakiinta ah ee dhulkooda laga barakiciyay.