U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda oo Shaaciyay Dhaqangalinta Hannaan Casri ah oo Canshuurta Lagu Qaadayo

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa ku dhawaaqay in Wasaaradda ay dhaqangelisay hannaan casri oo suuragelinaya in Canshuurta iibka si casri ah loo qaadi doono.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in hannaankan cusub muddo lagu howlanaa oo ay Wasaaraddu diyaarinaysay, haddana la joogo xilligii si rasmi ah loogu guuri lahaa oo canshuuraha lagu qaadi lahaa, asagoo intaa ku daray in habkani uu dowladda awood u siinayo inay dhaqdhaqaaq kastoo wax kala iibsi ah oo electric ah la socato, waxna ay ka goosato.

Sidoo kale wuxuu shirkadaha adeegyada maaliyadeed bixiya iyo ganacsada ka dalbaday inay Wasaaradda u fududeeyaan inay hannaanka cusub dhaqan-geliso oo ay howlawadeenada fulinta habkan ku gacan siiyaan.

Qorshahan cusub ee uu wasiirku ku dhawaaqay ayaa suurtagelin doona in lacagaha iyo waxyaabaha online-ka lagu kala iibsado canshuur laga qaado, balse sida uu u dhaqan-geli doono ayaa isha lagu wada hayaa.