U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 60-aad oo Howlgallo Ka Fuliyay Deegaanno Dhaca Baay iyo Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa howl-gal ka dhan ah Kooxda Alshabaab ka fuliyey deegaanada dhaca dhulka howdka ah ee kala qeybiya gobolada Baay iyo Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Howl-galka waxay Ciidanku ku burburiyeen goobo ay xubno Alshabaab ahi ku sugnaayeen, islamarkaana ku qoran jireen dhalinyarada ay askarta ka dhiganayaan sida lagu sheegay war ay baahisay warbaahinta dawladdu.

Taliyaha Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Dhamme Axmed Sheekh Cabdiraxmaan oo hogaaminayay howlgalka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in howl-galka lagu burburiyay goobo ay Alshabaab xarumo ku lahaayeen, isla markaana ay ku sii raad-joogaan xubno kale oo aaggaas ku sugan.

Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ay ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanku wadaan ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, ayadoo uu gulufku ka socda Koonfur Galbeed, Jubbland, Hirshabelle, iyo Galmudug.