U bood dhigaalka

Madasha Iskaashiga iyo Hormarinta Maalgashiga oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Kulan ballaaran oo ay soo agaasintay Waaxda Maalgashiga ee Wasaaradda Qorsheynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ah Kulankii ugu horeeyay ee Madasha Isbahaysiga Horumarinta, oo ah madal lagu soo nooleeynayo suuqyada muhiimka ah, ayadoo oo la adeegsanayo maalgashi ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasadda furitaanka ayaa waxaa isugu yimid hay’adaha dowladda ee ka tirsan isbahaysigan iyo Iskaashatada Warshadaha Soomaaliyeed.

Waaxda Maalgashiga ayaa ugu talagashay Madasha Isbahaysiga Horumarinta in lagu dardargeliyo koboca dhaqaalaha ee ay hogaaminayaan ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyadoo ay dowladdu fududeyneyso hab iskaashi oo aan cidna ka tageynin. Maalgashiga warshadaha waa mid ka mid ah meelaha mudnaanta leh.

Wakiillo ka socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Ganacsiga, Shaqada, Amniga Gudaha iyo sidoo kale guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ayaa madasha ka qayb galay. Dhinacyadu waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan wada shaqaynta iyo iskaashiga.