U bood dhigaalka

Wafdigii Gaaray Cabudwaaq oo Kulan La Qaatay Waxgaradka Magaalada iyo Ugaaska

Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa kulamo hordhac ah la qaatay waxgaradka deegaanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed.

Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa tilmaamay in uu deegaanka u yimid sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida, isla markaana aysan dowladda federaalka Soomaaliya marnaba ogoleyn inay deegaanka ka dhacaan wax kasta oo dhaawacaya nabadda iyo xasiloonida bulshada.

Kulankaan waxaa Wasiir Fartaag ku wehliyey Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee BFS, Agaasimayaal, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayee