U bood dhigaalka

Muxuu Ka Dhigan Yahay Qaraarka Mamnuucidda Kaganacsiga Hubka ee Golaha Kasoo Baxay?

Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaraar ay soo saareen ku Mamnuucay ka ganacsiga Hubka iyo Saanadda Ciidanka, iyaga oo ansixiyey siyaasadda Iibka Hubka, Rasaasta iyo qalabka Ciidanka.

Qaraarka ayaa mamnuucaya ka ganacsiga hubka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan in la soo dajiyo, la dhoofiyo, la warshadeeyo, laga ganacsado, ama la daabulo hubka iyo saanadda ciidanka.

Sidoo kale, Siyaasadda libka Hubka iyo Rasaasta ee Golaha Wasiirradu ansixiyeen waxa ay qayb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ugu jirto dejinta shuruuc, siyaasado iyo nidaamyo adag oo lagu xakameynayo hubka sida sharci darrada ah ku soo gala dalka.

Soomaaliya oo dhowaan laga qaaday cuna-qabateyntii ee in ka badan 30 sano saarnayd ayaa hadda ku dadaalaysa inay xakameyso hubka dalka soo galaya, ayadoo todobaad ka hor hub dhinaca Itoobiya ka yimid ay gacanta ku dhigeen dadka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Qulqulka hubka sharci darrada ah ayaa keeni kara in colaadaha sokeeye oo xooagaysta, qaadistii cuna-qabateynta oo dib u eegis lagu sameeyo, iyo nabad-galyada guud ee qaranka oo halis gasha, waxaana go’aan golaha wasiirrada ee mamnuucista ka ganacsiga hubka loo arkaa mid lagama maarmaan ahaa.

Go’aankaan golaha ayaa soo baxay xilli todobaadkii hore hub si sharci darro ah kusoo galay dalka oo la sheegay inuu ganacsi ahaa lagu qabsaday degmada Cabudwaaq, dowladda ayaa ku howlan sidii dib loogu soo celin lahaa hubkaas gacanta dowladda.