U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda oo Maanta Hortagay Guddiga Dhaqaalaha ee Aqalka Sare oo Su’aalo Lagu Weydiiyay

Sheeko:Aqalka Sare

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare, ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige iyo ku xegeenkiisa Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer, ayay xubnaha Guddigu waxay su’aalo ku saabsan hindise sharciyeedka Hay’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed weydiiyeen Wasiirka Maaliyadda iyo ku xigeenkiisa, si ay fasiraad dheeraad ah ugu helaan qodobo ka mid Hindise sharciyeeeka oo uu guddigu gacanta ku hayo kana gudanayo waajibaadkiisa Dastuuriga ah.