U bood dhigaalka

Sidee Looga Hadalhayaa Falkii Diyaaradda Ithopian Airline Kula Kacday Gabar Soomaaliyeed?

Diyaaradda Ethiopian Airlines dhaleecayn ba’an kala kulantay ayaa hawada ka saartay muuqaal aad loo daawaday oo saacadihii la soo dhaafay hadal-hayn iyo caro xoogan ka abuuray baraha kala duwan ee bulshada ku xariirto.

Muuqaalka ayaa muujinayay gabar Soomaaliyeed oo diyaaradda qasab looga dejinayo iyo rakaab aad u xanaaqsan oo ka cabanaysa arrintaas, ayadoo la sheegay in kursigii ay gabadhaasi ku fadhisay looga kiciyay wasiir ka tirsan xukuumadda Abii Axmed oo doonayay inuu duulimaadka raaco.

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo war qoraal ah arrintaas ka soo saartay ayaa sheegtay in gabadha ay diyaaraddu ka buyxsantay, islamarkaana ay shaqaaluhu ka codsadeen inay duulimaadka dambe soo raacdo, balse ay ka dhaga adaygtay.

Bayaanka ay maamulka diyaaraddu soo saareen ayaa waxaa ka xoog badatay xogta ah in wasiirka dartiis gabadha rakaabka ah kursiga looga dejiyay, taas oo ay warbaahinta dunidu aad u hadal hayso, fadeexadna ku noqatay diyaaradda Ethiopian Airlines.