U bood dhigaalka

Xubno Ka Tirsan Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Bariga Afrika oo Muqdisho Soo Gaaray

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehliyaan xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka dalka ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhoweeyay wafdi ka socda baarlamaanka ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika.

Wefdigan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Joseph NTAKIRUTIMANA, ayna weheliyaan masuuliyiin kale oo sar sare ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Masuuliyiintan ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda dalka booqasho ku joogi doonaan, islamarkaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan madaxda sare ee dalka.