U bood dhigaalka

Dhallinyaro Laga Soo Badbaadiyay Magafaha Liibiya oo Ka Warbixiyay Dhibaatidii ay Lakulmi Jireen

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhowaan 10 sano u xirnaa magafaasha Liibiya ayaa dalka dib loogu soo celiyay, waxayna ka sheekeeyeen dhibaatooyinkii iyo xadgudubyadii loo geysan jiray xilligii ay qowlaysata madax furashada dadka ka mucaashta gacanta ugu jireen.

Xamdi Maxamed Cabdi oo kamida dhallinyaradaas ayaa sheegay in si bini’aadantinimada ka baxsan loola dhaqmi jiray, islamarkaana uu goobjoog ka ahaa tacadiyo lagula kacayo dhallinyaro Soomaaliyeed oo gabdho iyo wiilal leh, illaa haddana ay qaarkood halkaas ku xiranyihiin.

Wuxuu tilmaamay in cunto xumo iyo jirdil ay ba’an ay la kulmi jireen, hablahana ay magafaasha ay isku dayi jireen inay kufsadaan, balse ayagu ay badbaadintooda halis iyo inqaab adag u mari jireen, oo dartood loo dhibaatayn jiray.

Xamdi Maxamed Cabdi ayaa tilmaamay in kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ahi ay weli ku jiraan Xabsiyada dalkaasi Liibiya, islamarkaana magafayaashu ay had iyo goor si arxan-darro ah ula dhaqmaan, malaayiin doolarna ay sii dayntooda ka sameeyaan.

Wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay wax ka qabato dhibaatada da’yartaas haysata, asagoo farriin ah inay dalkooda iimaansadaan u diray dhallinyarada tahriibka ku taamaysa.

Boqolaal Soomaali ah oo u tacabiraya dalalka reer galbeedka ayaa sanad walba ku dhinta badda u dhexaysa liibiya iyo Talyaaniga, halka kuwo kalena ay gacanta u galaan magafayaal arxan-daran oo xadgudubyado aan laga sheekayn karin kula kaca.