U bood dhigaalka

Doorashooyinka Golaha Deegaanka oo Sirasmi ah Uga Socda Gobolka Nugaal

Shacabka degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal ayaa saaka u dareerey doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka Puntland sida lagu sheegay war ka soo baxay guddiga doorashooyinka golaha deegaanka ee PEC.

Doorashooyinka ayaa ka dhacaya 80 goobood oo ka kala tirsan saddexda degmo ee gobolka Nugaal, iyadoona ay codeynayaan in ka badan 64 kun oo qof oo kala xulanaya 431 musharax oo ka kal socda 8 xisbi siyaasadeed.

Maamulka Puntland ayaa horey u qabtay doorashada 33 degmo oo golaha deegaanka ah, iyadoona saddexdaan degmo ay noqonayaan kuwii ugu dambeeyay.

Doorashadan ayaa astaan u ah nabad-gelyada deegaanadaas iyo baraarugga dadweynaha ee ku aaddan dowladnimada iyo ka qeyb-galka maamul dhiska deegaanka.