U bood dhigaalka

Muxuu Ahaa Dardarankii Sheekh Cismaan Xidig Uga Tagay Madaxad Soomaaliyeed?

Billowing todobaadkan waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday caalimkii weynaa ee diinta buuniga ku ahaa Shiikh Cismaan Shiikh Cumar Shiikh Daa’uud Culusow ” Shiikh Cismaan Xiddig” Allaha u naxariistee.

Shiikha oo in ka badan 50 sano fidinta diinta islaamka ku howlanaa ayaa wuxuu soo saaray ama waxbaray culumo badan oo haatan dalka iyo dunida kale qaarkeedba caan ka ah, wuxuuna qoray kutub badan oo ku saabsan fanniyada kala duwan ee Cilmiga Shareecada.

Sidoo kale wuxuu duubay muxaadarooyin iyo casharro diini ah oo qalabka warbaahinta iyo kala duwan ee bulshada ku jira, kuwaas oo uu dhacdooyin la soo maray iyo arrimo badan shareecada la xariira uga hadlay.

Mid kamida muxaadarooyinkii shiikha laga duubay ayuu kula taliyay madaxda soomaalida, ayagoo u soo jeediyay khilaafka siyaasadda wada-hadal ku xalliyaan, islamarkaana ay dadka isku soo dhaweeyaan oo ay wixii jira is qancin iyo garowsho ku xalliyaan.

Wuxuu sheegay in dadkoo isku diin, isku af, iyo dhaqan ah uu gumeystuhu 5 qeybood u kala jara, islamarkaana loo baahanyahay in laysku soo jiido oo wadajirkooga laga shaqeeyo, isagoo xusay inaan labada nabi ummaddan loo soo kala dirin, dhalasho ahaan iyo dan ahaanba ay midyihiin.

Shiikha oo kamid ahaa culumada aan jeclayn la kulanka madaxda iyo ka hadalka arrimaha siyaasadda ayaa haddana xoogga saari jirey wacyi-gelinta bulshada iyo ka digista waxyaabaha dantooda guud halista ku ah.