U bood dhigaalka

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo Gacanta Kusoo Dhigay Xubin Ka Tirsan Al-shabaab

Ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan Guutada Birjeex ayaa gacanta ku dhigay xubin ka tirsan kooxda Alshabaab, halka laba kalena ay toogteen xilli ay ku sugnaayeen dhulka howdka ah ee u dhow deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose.

Raggan ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen kooxdii dhowaan weerartay deegaanka Harboole oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolkaas, kaasoo lagu diley ugu yaraan 100 boqol dagaalame oo kamida Alshabaab.

Dagaalamaha ay ciidanku nolosha ku qabteen ayaa la sheegay in haatan lagu hayo goob caafimaad oo ku taalla deegaanka, wuxuuna howgalkani qeyb ka yahay dhaqdhaaqyo ay ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta maalmahan aaggaas ka wadeen.