U bood dhigaalka

Madaxii Maaliyadda Al-shabaab ee Gobolka Mudug oo Isku Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Wararka ka imaanaya magaalo xeebeedka Hobyo ayaa sheegaya in madaxii maaliyada Gobolka Mudug ee kooxda Alshabaab Cabaas Amiin xuseen uu isku soo dhiibay ciidanka booliska ee degmadaas, sida uu xaqiijiyay Taliska booliiska magaaladaasi.

Ninkan ayaa la sheegay inuu isaga soo baxay kooxda Alshabaab, islamarkaana uu go’aansaday inuu isku soo dhiibo dowladda, isagoo ka soo tagey deegaanka Jawle oo hoostagga magaalada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobollada dalka ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, ayadoo tiro badan oo dagaalameyaal iyo hoggaamiyaal kooxda ka tirsani ay iskood isku soo dhiibeen, qaar kalena ciidamadu gacanta ku soo dhigeen.