U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Hirshabeelle oo Ka Qeybgashay Bandhigga Wax Soo Saarka Beeraha Buulo Burde

Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeele iyo kan degmada Buulaburte ayaa ka qeyb-galay bandhig oo ay soo agaasimeen ururka iskaashatada Beerakayda degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Iskaashatada ayaa soo bandhigay qaar kamid ah dalagyada ay beertaan oo isugu jira qudaarta nuucyadeeda kala duwan iyo waxyaabo kale , waxayna sheegeen inay u baahan yihiin in horumarin lagu sameeyo beeraha si loo kordhiyo wax soo saarka Dalagyada beeraha dalka ka soo go’a.

Ujeedka bandhiggaan ayaa ahaa Kobcinta guusha waarta ee wax soo saarka ka faa’iidaysiga hannaanka Beeralayda yaryar ee degmada Buulaburte ee Gobolka Hiiraan oo kamida meelaha laga helo dhulka ugu habboon tabcashada.