U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka oo Kormeeray Ciidankii Dhowaan Al-shabaab La Dagaalamay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka xooga Dalka S/Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa si wadajir ah u kormeerey deegaannadii dhawaan Lagu dagaalamay kooxda Alshabaab ee Buula Xaaji iyo Harboole ee gobolka Jubbada hoose.

Masuuliyiinta ayaa mid mid u kor istaagey goobihii iyo difaacyadii ay Ciidanku isaga caabiyeen weerarkii ay Alshabaab ku soo qaadeen 22-bishaan, iyagoo u hambalyeeyey dhammaan Taliyaasha, Saraakiisha iyo Ciidanka sida ay isaga difaaceen dagaalamayaasha Alshabaab

Madaxdu Waxay Balan qaadeen indhamaan Ciidanka Labadiisa heer dowlad goboleed iyo federaalba loo dhamays tiri doono Wax kasta oo ay u baahan yihiin inta, si Alshabaab looga saaro dadka, islamarkaana hannaanka dowladnimo lagu hirgeliyo dhammaan deegaannada Soomaaliya.