U bood dhigaalka

Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka iyo Mas’uuliyiin Gobolka ah oo Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Liido

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed Bulaale iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa isbitaallada Muqdisho ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii xeebta Liido.

Masuuliyiintan ayaa mid mid isku dul taagay qaar kamida dhaawacyada, ayagoo warbixin ka dhageystay maamullada isbitaallada qaar, kuwaas oo ay ku jiraan tobanaan qof oo waxyeello ka soo gaartay qarixii ka dhacay huteelka Beach view ee xeebta liido oo kamid ahaa weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee waayadan magaalada Muqdisho ka dhaca.

Tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca qaraxu sababay ayaan illaa hadda la ogeyn, balse waxaa laga war sugayaa xogta ay dowladdu ku dhawaaqi doonto ee dhacdadan ku saabsan, taasoo la filayo in saacadaha soo aaddan la shaacin doono oo shir saxaafadeed lagu soo bandhigi doono.