U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Madaxweyne Laftagreen iyo Guddoomiyaha Hey’adda Qoxootiga iyo Barakacayaasha?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Maxamed Xasan lafta gareen ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed kulan kula yeeshay guddoomiyaha Hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale oo la socatay.

Guddoomiyaha Hay’adda Marwo Safiya Hassan Mohamed iyo Wafdiga ay hoggaamineyso oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa kulan muhiim la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Abdiaziiz Hassan Mohamed (Laftagareen), ayagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka oo isugu jiray soo dhaweyn iyo kala war qaadasho ayaa Guddoomiye Safiya waxaa ay uga warbixisay Madaxweynaha qorsha ayada iyo wafdigeeda u yimaadeyn Magaalada Baydhabo, kaas oo ah wadatashiga Bulshada Koonfur Galbeed ee Istaraatiijiyadda Qaran ee Illaalinta, Taakuleynta iyo Xalka-waara ee Barakacayaasha, Qaxootiga, iyo Dadka soo guryo noqday.

Madaxweyne Abdiaziiz ayaa uga Mahadceliyay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo wafdigeeda dedaalka xooggan ee ay ku bixinayaan samata bixinta Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku nool dalkeena, waxaana uu ballan qaaday in uu si buuxda u garab taagan yahay shaqada ha’addu u hayso Sahcabka Soomaaliyeed.