U bood dhigaalka

Mid Kamid ah Dhallinyarada Laga Soo Badbaadiyay Magafe oo Ka Warbixiyay Dhibaatada uu Soo Maray

Mid kamida dhallinyarada Soomaaliyeed ee laga soo badbaadiyay gacanta magafayaasha Liibiya, islamarkaana dalka dib loogu soo celiyay ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyin tiro beel ah oo uu la kulmay intii uu halkaas ku xirnaa, ayadoo da’yarta tahriibta ku talamaysa farriin adag u diray.

Ninkaas oo lagu magacaabo Dr. Mahad Garaad Xasan ayaa sheegtay in dhibaatooyinka badan uu kala kulmay dalka Liibiya oo muddo lagu haystay, wuxuuna dhallinyarada ugu baaqay in halaahowga iyo hawkar daran ee halkaas yaalla aysan ku kadsoomin oo ay dalkooda iimaansadaan, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan intii soo furdaamintiisa ka qeyb-qaadatay oo ay masuuliyiin dowladda ka tirsani ugu horreeyaan.

Boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa gacanta ugu jira magafeyaasha arxanka daran ee dalka Liibiya ka qowlaysta, kuwaas oo daminkaas halista badan ku dhacay xilli ay dhinaca yurub ku sii jeedeen, waxaana waalidkooda si joogto ah u soo gaara farriimo naxdin leh oo lagu leeyahay lacag madax furasho ah soo dir haddii kale degdeg ayaan u dileynaa.