U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda oo Sheegay in Dowladdu Dooneyso Gaaritaanka Iskufinaanshiyo Dhaqale

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ay ku dadaalayso sidii ay isku filnaasho dhaqaale u gaari lahayd, islamarkaana uga maarmi lahayd ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah.

Wasiirka oo warbaahinta dowladda wareysi siiyay ayaa tibaaxay in dowladda ay ka go’antahay inay gaarto isku filnaasho dhaqaale, islamarkaana ay xukuumaddu qaatay tillaabooyin waaweyn oo ay kobcinayso daqliga gudaha iyo wax soo saarka, kuwaas oo ay kamid tahay mideynta canshuuraha, iyo faa’iidaysiga ku biirista ururka iskaashiga dhaqaalaha bulshada bariga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda si weyn ugu tiirsan taageerada ay dalalka caalamku siiyaan, taas oo qeyb ka ah miisaaniyadda dalka, waxaana hadda la qorshaynayaa sidii kaalmeyntaas oo sumcadda dalka dhaawac ku ah looga maarmi lahaa.