U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaaraha Xamse oo Faahfaahin Ka Bixiyay Guulaha Kala Duwan ee ay Dowladda Gaartay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayey dejinta qorshaha kobaca iyo casriyaynta dhaqaalaha Soomaaliya deyn cafinta kaddib, iyo ku biirista Suuqa Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika, iyadoo si gaar ah looga dooday sidii looga faa’iidaysan lahaa fursadahaas.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in guulaha Xukuumadda DanQaran ay ka mid tahay deyn cafinta, taas oo ku timi dadaallo badan oo la xiriira dib u habaynta dhaqaalaha iyo nidaamka maaliyadda dalka oo salka loo dhigay, isla markaana ay gacanta ku hayso qorshaha dib u casriyeynta dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhaqaalaha oo intii Xukuumaddu jirtay ay dajisay shuruucdii iyo xeerarkii lagu hagaayey dhaqaalaha dalka iyo maalgashiyada caalamiga ah.

Mudane Xamsa ayaa xusay in dowladdu kor u qaadday dakhliga gudaha, taas oo suurto galisay in Xukuumaddu qaadato shaqaale tiro badan oo kumeel gaara ah, isla markaana ay ka dhabaysay Xukuumaddu balanqaadkii ahaa in ay shaqaalaysiiso toban kun oo macallin oo hadda lix kun oo ka mid ah miisaaniyadda lagu daray oo ay hawlgaleen.