U bood dhigaalka

Safiir Ingiriiska oo Jeediyay Khodbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Hadda Muxuu Ka yiri Xaaladda Soomaaliya?.

Danjiraha dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya oo ka qeyb-galay madal dadweyne ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka iyo hormarrada kala duwan ee laga gaaray dowlad dhiska, xasilloonida iyo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Safiirkan oo noqday masuulkii ugu horreeyay ee danjireyaasha reer galbeed ka tirsan oo kulan dadweyne uga qeyb-gala gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay arrintaas, asagoo xusay in la falgalka qeybaha kala duwan ee bulshadu ay muhiim u tahay.

Danjiraha dowladda Ingiriiska ayaa sidio kale wuxuu bogaadiyay xariirka uu dalkiisu la leeyahay Soomaaliya, ayagoo sheegay inuu ka soo billowday 57 sano ka hor, ayadoo safaaradda Ingiriiska ee hadda dib loo furay sanadkii 2012.

Waxa uu sheegay in horumar baaxad leh uu ku aragnay Muqdisho, kaasoo uu ku tilmaamay mid UK ay kaalin ku leedahay, kana mid tahay saaxiibbadaada ugu dhow ee diblomaasiyadeed iyo kuwa kalgacalka u haya Soomaaliya, ayagoo xusay in la sii xoojin doono xariirka labada dhinac.

Danjiraha ayaa sidoo kale asagoo ka hadlaya taageerada ay dowladdiisu Soomaaliya siiso wuxuu sheegay in shantii sano ee la soo dhaafay ay tababareen 3000 oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwas oo ku sugan meel ka baxsan Muqdisho, wuxuuna intaa ku daray inay qorsheynayaan inay tababaraan 2000 oo askari ka hor dhammaadka sanadkan.

Waxaan sidoo kale tilmaamay inay tababarro gaar ah u sameeyeen saraakiil daryeelka caafimaadka, ka hortagga miinooyin ku taqasusay, islamarkaana ay fuliyeen mashaariic kala duwan oo dhinaca hormarka ah, wuxuuna ugu dambeyntii ka jawaabay dhowr su’aalood oo la weydiiyay, ka qeyb-galayaashii kulankana wuu u mahadceliyay.