U bood dhigaalka

Halkan Ka Akhriso Khudbaddii uu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu ka jeediyay gebangabada wada-hadalladii magaalada Ankara

.

ayadoo magaalada Ankara ee dalka Turkiga lagu Soo gabagabeeyay wareeggii labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana loo ballamay waji seddaxaad oo dhici doona bisha September ee soo socata ayaa gebagabadii kulanka aan ka fool ka foolka ahayn ee labada dhinac wuxuu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ka jeediyay khodbadan hoos ku qoran.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u soo jeedinaysaa mahadcelin ballaaran Jamhuuriyadda Turkiga oo martigelisay wareegga 2-aad ee wadahadalada Soomaaliya iyo Ethiopia ee ka dhacay Ankara. Waxaan ku ammaaneynaa taageerada joogtada ah iyo sida daacadda ah ee Turkiga uga go’an tahay in la dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, iyo dadaallada dawladdiisa ee ay ku go’aansadeen in ay horumariyaan xasilloonida gobolka. Wadahadalkan wareeggiisa 2-aad waxaa laga gaaray horumar. Soomaaliya waxaa si adag uga go’an ilaalinta madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhulkeeda.

Madaama aan isu diyaarinayno wareegga saddexaad ee wadahadallada, waxaan ku rajo weynahay in dadaalkeenna uu ku dhammaan doono go’aan kama dambays ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa weli ka go’an in la gaaro natiijo nabadeed, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo heshiiska Qaramada Midoobay ee sharciga Badda, si loo ilaaliyo karaamada iyo kheyraadka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan u mahadcelinaynaa mudane Hakan Fidan, wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, doorka muhiimka ah ee uu ku leeyahay dhexdhexaadinta wadahadalladan, waxaana diyaar u nahay inaan si dhow u wada shaqeyno si xal loogu helo xiisadaha gobolka”.