U bood dhigaalka

Saraakiil Ciidanka xoogga dalka ka tirsan iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah kulan ku yeeshay Muqdisho

Waxaa maanta xarunta howlgallada wadajirka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ka qabsoomay shirka arrimaha horumarinta Ciidanka iyo saaxiibada Soomaaliya ka taageera arrimaha Ciidamada, wyxuuna kulankaani ahaa midkii 6-aad ee looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa horumarinta Ciidanka XDS iyo la dagaalanka Argagaxisada.

Shirka waxaa taliska Ciidanka XDS uga qeyb galay taliyaha Ciidanka Gaarka ah , taliyaha taliska tababarada, taliyaha sahanka iyo sirdoonka, taliska taakuleynta iyo hoggaanka qorsheynta.

kulanka ayaa waxaa looga hadlay dhisidda awoodaha Ciidanka ,horumarintiisa, dardargelinta dagaalka, tababaridda iyo diyaarinta colalka qeybaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,taageerada howl-gallada ,mudnaan siinta mashaariicda horumarineed, isku duwidda iyo is-waafajinta horumarinta mashaariicda loogu talagalay Ciidanka XDS.