U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobada kasoo baxay shirkii lagu xalinayay tabashada ganacsatada Soomaaliyeed

Shir muhiim ah, oo lagu xalinayay Culaysyadii ay ka cawdeen Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa maanta wajigiisii 1-aad waxaa lagu qabtay Xarunta Dekadda Magaalada Muqdisho, shirkaas oo ay ka soo qabgaleen Taliye-yaasha, Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulka Dekadda Muqdisho.

Qodobada ugu muhiimsan ee maanta xalka laga gaaray waxaa kamid ah kuwii ugu muhiimsanaa,

𝐂𝐚𝐛𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐊𝐨𝐧𝐭𝐞𝐞𝐧𝐚𝐫 𝐉𝐚𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo shirka kadib warbixin kooban la wadaagay Saxaafadda ayaa sheegay culeysyadii dhaqaale ee cabashadu katimid in meesha laga saaray, sidoo kalena waxa uu sheegay in maata laga bilaabo aysan dhicidoonin cabashooyin ka yimaada Jabinta Konteenarku marka uu soo gaaro dakadda magaalada Muqdisho.

Qodobka Labaad,

𝐒𝐨𝐨𝐠𝐚𝐥𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐞𝐤𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐃-𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay wadatashi dheer kadib in la xaliyay dhammaan cabashooyinkii ay ka qabeen Ganacsatada arrimaha ID, balse qaabka loo xaliyay iyo sida uu noqon doono waxaa dib ka soo sheegidoona Maamulka Dekadda Magaalada Mudqdisho.

Qodobka Sadexaad,

𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢 𝐣𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐛𝐚 𝐊𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐫𝐨𝐨𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚.

Waxaa gabi ahaanba la baabi’iyay dhammaan lacagihii lagu qaadijiray baraha hubinta ee looga boxo Magaalada Muqdisho, sida waddooyinka u kala baxa Balcad, iyo Afgooye, kulankii maanta ayaa la isku raacay in mardambe aysan dhicin cabasho nuucaas oo kale ah.

Dhanka kale waxaa laga wada hadlay arrimo ubadan 𝐇𝐚𝐛 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥, taas oo iyana lagu balamay in laxaliyo dhammaantood, iyada oo ay jiridoonaan kulamo kale oo loo balamay.