U bood dhigaalka

Ururka shaqaalaha diyaaradaha Kenya oo dib u dhigey shaqo joojin laba todobaad ah oo ay maanta billaabi lahaayeen.

Ururka ugu weyn ee shaqaalaha duulimaadyada dalka Kenya ayaa dib u dhigay shaqo joojin socan doonta muddo laba todobaad ah, taas oo ay horay ugu dhawaaqeen inay billaabayaan 18-ka bishaan oo maanta ku beegan.

Dib u dhigista gadoodkan ayaa looga golleeyahay in dowladda oo ogolaatay in ay wada hadal la gasho fursad loo siiyo inay tabashada shaqaalahaas xalliso, islamarkaana culaysyada haysta ay wax ka qabato.

Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha garoomada diyaaradaha dalkaas ayaa diidan heshiis la sheegay inuu bishii hore dhexmaray dowladda shirkad laga leeyahay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Adani Airport, kaas oo ujeedkiisu ahaa in lagu hormariyo garoomada diyaaradaha Kenya.

Goobjoog.com