U bood dhigaalka

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo soo saartay habraac cusub oo wax badan ka badalaya qiimihii hore ee Laysinka Mootada

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS. ayaa soo saartay Habraac cusub oo wax badan ka badalaya qiimihii hore ee Laysinka Mootada uga bixijiray Darwaladda Gaadiidka Bajaajka ku shaqeysta.

Wasiirka wasaaraddda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ka hadleysay isbadalka la sameeyey ayaa sheegtay in tallaabadaan la qaaday iyadoo la fiirinayo xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed.

“ Waxaan kusoo koobnay 106.5 Dollar inay tahay qarashaadka uu Leysinka ku qaadan karo darawalka Mooto Bajaajta waa marka uu darawalka cusub yahay” ayey tiri wasiirka oo ka hadleysay warbaahinta.

Waxay hadalkeeda sii raacisay “ Waxyaabihii kale dhan waa lasoo jaray, caafimaadkii waxbaa laga jaray, iskuulada darawalnimada lagu barto waxbaa laga jaray, CID lacag baa laga jaray, wixii oo dhan 106.5 Dollar ayaa lagu soo koobay”.

Waxay kale oo ay sheegtay in qofka uu Leysinka ka dhaco kaliya laga rabo inuu soo maro caafimaadka Indhaha iyo inuu warqdda dambi la’aanta kala yimaado CID.

Sidoo kale wasiir Fardowsa ayaa sheegtay in qofka uu ka lumo Leysinka kaliya laga rabo inuu warqad kala yimaado saldhigga booliska ee u dhow, haddii la waayo Leysinkana kaliya laga rabo 20 Dollar si mid cusub loogu daabaco.

Sidoo kale agaasimaha guud wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macallin Cali Xasan. oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay mar walba garab taagan yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

“ Dhallinyarada waa kuwa waalidiintooda ku quudinayo waxay ay Bajaajta ka shaqeystaan, aniga sideedaba waxaan taageersanahay dhallinyarada, dhallinyarow dalkiina iyo dadkiina ayaad u shaqeeneysaan, muwaadiniin Soomaaliyeed ayaad tihiin wixii idinka haleysan anagaa idin hor kaceyno, haddii ay banaanbax tahay anagaa idin hor kaceyno haddii ay sharci tahayna anaa diyaar idiin ah, wixii cabasho ah oo aad qabtaan wasaaradda gaadiidka usoo gudbiya” ayuu yiri Agaasiaha wasaaradda.

Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay inaan loo dulqaadan Karin in dhallinyarada leysinka rabto lagu xujeeyo 300 Dollar isagoo xusay in dhallinyarada aysan aawoodin inay lacag intaas la eg bixiyaan.

“ 300 Dollar qof dhallinyaro ah oo Maalintii 10 Dollar bajaaj ka shaqeysanayo ma bixin karo, waxaan leenahay dhallinyarow isdajiya culeys walba oo aad la kulanteyna waan idinla qaadanay garabkiina ayaana taaganahay, anaga ayaana sharciga geyneyno cidda dulmiga idinku sameysay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.


Ugu dambeyntii Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Madaale oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyarada ay yihiin 70% dadka Soomaaliyeed isla markaasna ay tallaabo ka qaadi doonaan askarta dhibaatada ku heyso.

“ Askarigii lagu arko isagoo gacma gacmeysanayo dhallinyarada Bajaajyada ciddii uu doono ha ahaade waa lala xisaabtamayaa waxaana lala tagayaa maxkamad mana loo duqlaadanayo, haddii darawalka mootada la qabto isagoo Leysin la’aan ah waxaa ganaaxa laga dhigay 5 Dollar oo kaliya halkii ay ka aheyd 50 Dollar” ayuu yiri Madaale.