U bood dhigaalka

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay tuulooyin hoostaga magaalada Janaale

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 66-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxa ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka shabeellaha hoose.

Ciidanka oo la sheegay inay ka war heleen  inay  kooxda Al-Shabaab isku diyaarinayeen weerar ay ku soo qaadaan  guutada 14-ka October iyo Atmis ee Janaale ka howlgala ayaa weerar dhowr jiho ah kaga hortagay is abaabulkii kooxda sida ay sheegeen saaraakiisha Ciidanku, waxaana wararku sheegayaan in khasaarre xoog lihi uu gaaray xubnihii Al-Shabaabka ahaa ee ciidamadu weerareen.
Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo kala duwan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxa ay ka wadaan gobollada dalka, waxaana soo badanaya dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab ka tirsan ee ciidamada isku soo dhiibaya.