U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay xoogga saarayso diiwaangelinta dadweynaha.

Ra’iisal wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in waxyaabaha xukuumaddu xoogga saareyso ay kamid tahay diwaangalinta muwaadininta Soomaliyeed, si xogta Muwaadin kasta loo hayo.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in diiwaangelinta muwaadinka iyo qaadashada aqoonsigu ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan hormarka dalka, islamarkaana ay dowladda u fududaan doonto inay mashaariicda iyo adeegyada aasaasiga ah si miisaaman u fuliso.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in yaraynta saboolnimada iyo shaqa la’aanta ay wax weyn ka badeli doonto diiwaangelinta dadka iyo qaadashada aqoonsigu, asagoo tilmaamay in haynta xogta qofku ay wax badan u soo kordhin doonto dadka danyarta ah.

Soomaaliya oo kamid ah dalalka ugu hodansan dunida, balse dadkeedu ay garan la’yihiin nimcada Alle siiyay ayaa sanad walba mageceeda lagu cunaa malaayiin dollar oo lagu sheegayo deeq iyo gurmad dad barakacayaal ah oo tiradii la rabo lagu tilmaamto, balse Ra’iisul Wasaare ku xigeenku waxa uu sheegay in arrintaas keliya wax looga badeli karo diiwaangelinta muwaadinka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay ballanqaaday inay dalka ka dhacayso doorasho qof iyo cod ahi, diiwaangelinta iyo tira-koobka dadweynuhuna waa lagama maarmaan haddii doorasho toos ah laga hadlayo.